Ciidamada Booliska iyo rag hubeysan oo maanta ku dagaalamay MUQDISHO

Muqdiso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin ciidamada Booliska ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha, gaar ahaan halka loo yaqaano Baar Jowar, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad toos ah.

Labada dhinac ayaa dagaalamayaa ku dhowaad 30 daqiiyo, waxaana lasoo wariyay ina weerarka uu bilow bamb-gacmeed ay dableyda hubeysan ku tuureen ciidamada.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, maadaama muddo kooban uu ku yimid hakad.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi, waxaana xigay howlgal ay sameeyeen ciidamada la weeraray, kaas oo ay ku baadi goobayaan kooxda weerarka ku qaaday oo goobta isaga baxsatay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa oo ay inta badan ka dhacaan weeraro.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha caasimada iyo beegsiga ciidamada dowladda, waxaana ugu dambeeyey weerar kan lamid ah oo ay todobaadkii hore ku qaaday fariisin ay ciidanka dowlada ku leeyihiin isgoyska KPP.

Weerarka ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacayay Muqdisho, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii dambe.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo lagu jebiyay inta badan dagaallada ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka ayaa haatan culeys soo saartay caasimada, waxayna ka fulisay dhowr weerar iyo qaraxyo ay la beegsaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Banaadir.