Bandowgii lagu soo rogay Laascaanood oo dhaqan-galay iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliska ciidamada deegaanka ee magaalada Laascaanood, isla-markaana dagaalka kula jira ciidanka milatariga Somaliland ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku aadan xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha magaaladaasi.

Taliyaha ciidanka xasilinta ee ku sugan Laascaanood Cali Gowrac oo la hadlay warbaahinta ayaa soo saaray amaro saameynaya dadweynaha, isaga oo ka dalbaday inay fuliyaan.

“Waxaa halkan farriin iyo cod dheer u marinayaa shacabka ku nool degmada Laascaanood inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidanka kasoo baxday, ayna fuliyaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in bandow habeenkii ah ay kusoo rogeen magaalada Laascaanood, kaas oo bilaabanayo sagaalka habeenimo, si loola socdo xaaladda guud.

Cali Gowrac ayaa sidoo kale faray ganacsatada iyo dadweynaha ku haray magaalada inay u hoggaansamaan bandowga oo isla xalay ka dhaqan-galay magaaladaasi.

“Saddex saac habeenimo wixii ka dambeeyo magaaladu waa bandow mehradaha mehrad furan lama arki karo goobaha ganacsigam” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inay laga dagaalamayaan kooxaa ka ganacsada maan dooriyaha & kuwa isticmaala ee ku sugan halkaasi, isaga oo tilmaamay inay mamnuuceen.

“Baahasha la yiraahdo Qamriga dadka islaamku ma isticmaalaan, waana ka mamnuuc gobolka qof alla qofkii lagu qabto isaga oo cabsan ama ka ganacsanaya waxaa la horgeyn doonaa sharcigam” ayuu markale hadalkiisa ku daray taliyaha ciidanka jooga Laascaanood.

Xaaladda Laascaanood ayaa saddexdii maalmood lasoo dhaafay daganeyd, waxaana istaagan dagaalkii ka socday magaaladam inkastoo ay weli is horfadhiyaan labada dhinac.