Xog ku saabsan kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo xildhibaanadda Xawaadle

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda beelweynta Xawaadle.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qabsoomay gelinkii dambe ee shalay, waxaana madasha ku wada sugnaa dhamman xildhibaanada labada aqal ee beesha Xawaadle.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka oo uu albaabada u xirnaa diiradda lagu saaray tabashada ay beesha Xawaadle ka qabto dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle, si xal loogu helo cabashadaas oo muddo dheer soo taaneyd.

Xogta aan helenyo ayaa sidoo kale sheegeyso in kulanka uu kusoo dhammaaday is afgarad, ayada oo lagu ballamay in lasii wado wadahadalka labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kukanka lagu soo qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweynuhu ku amaanay reer Hiiraan, sida ay ugu istaageen xoreynta deegaankooda, kadib dagaallo culus oo ay la galeen Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale xildhibaanada Xawaadle ay madasha kusoo bandhigay baahida caafimaad ee ka jirta deegaankooda, gaar ahaan Hiiraan, ayada oo la’isku raacay in dowladda fedaraalka ay Baledweyne ka hirgelin doonto Isbitaal weyn oo si gaar ah loogu daaweyn doono ciidamada deegaanka Macawiisleyda ee dagaalada kula jira kooxda Al-shabaab.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii dhawaan magaalada Muqdisho lagu laayey ciidamo ka tirsan Macawiisleyda oo dhaawac ahaan loo keenay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu weeraray gurigii lagu daaweynayey oo ku yaalla gudaha degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale xildhibaanada beesha Xawaadle ayaa iska soo xulay guddi ka kooban saddex xubnood oo ay u xil-saareen dhammeystirka tabashada ay hordhigeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna kala yihiin saddexdaas xubnood, Senator Cali Shacbaan Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sambaloolshe).

Si kastaba, kulankan ayaa daba socday shir ay dhowaan siyaasiyiinta beesha Xawaadle ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya, kaas oo lagu soo bandhigay qodobo xasaasi ah oo ay beesha uga tabaneysay dowladda federaalka ah iyo HirShabelle.