Ciidamada booliska oo soo celinta kalsoonida laga doonayo

Ciidamada Booliska dalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay inay soo celiyaan kalsoonidii bulshada Soomaaliyeed ay ku dhex lahaayeen.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheikhunaa Maya oo ka hadlay xaflad tababar loogu soo gabogabeyay ciidamo badan oo booliska ayaa sheegay in ciidamada booliska looga baahan yahay inay soo celiyaan sharaftii ku dhex lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Booliska ee ka faa’ideystay tababarka usoo  dhamaaday laga doonayo inay usii faa’ideeyaan kuwa kale ee aan ka qeyb galin.

Ciidamadaan oo gaaraya ku dhawaad 100  ayaa waxaa tababar shalay loogu soo dhameeyay xarunta tababarka ciidamada ee General Kaahiye,waxaana tababarka siinayay ciidamada booliska AMISOM ee ku sugan Muqdisho.