Xog: Maxaadan ogeyn oo ka socda Xafiiska ra’iisul wasaare Saacid?

Muqdisho (Caasimada Online) Sida ay u sheegeen shabakadda Caasimada Online, qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxa ka billowday siddii loo badali lahaa shaqaalihii hore ee joogay xafiiska.

Illo kal soon yahay oo diidday magacooda in la xigto ayaa sheegay in shaqaale badan oo horrey u joogay xafiiska wasiirka koobaad ee xakuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon in la ceriyay ama loo sheegay in shaqada laga ruqseeyay.

Arrintan ayaa lagu sheegay isbadalka ka dhashay xafiiska maadama uu yimid xafiiska raysal wasaare cusub.

Inta badan shaqaalihii joogay xafiiska ayaa loo sheegay in shaqada ay u dhammaatay oo ay baneeyaan xafiiska.

Tusaale shaqaalahii hore ayaa loo diray mid 10-qof  kuwaasoo siyaabo kala duwan shaqada loo ceyriyay.

Waxa xafiiska yimid shaqaale cusub iyo kuwa horrey uga shaqeenaayay oo laakin shaqada laga joojiyay marka uu yimid xafiiska Cabdi Wal Cali Gaas oo ahaa raysal wasaarihii ugu dambeeyay dowladdihii ku-meel-gaarka.

Illaha laga soo xigtay warkan ayaa sheegay in arrintan aysan ahayn mid ku cusub xafiisyada dowladda, waayo wasiir kasta oo xafiiska yimaada wuxuu inta badan raaf ku sameeyaa shaqaalihii horrey u joogay goobta, waxana ku badalaa kuwa uu isaga bar yaqaano ama ay isku dhow yihiin.

Inta badan dadka xafiiska hadda laga ceyriyay waxa ay u badan dadka ka soo jeeda deegannada Puntland, dib ayeena ugu laabteen meelihii ay ka yimaadeen.

Shaqaalaha cusub ee hadda ka shaqeeya xafiiska ra’iisal wasaaraha waa kuwa u badan qabiilka uu ka dhashay ra’iisal wasaaraha.

Waxaa kaloo jira qaar badan oo xafiiska weli jooga, laakin awoodihii  laga khafiiyay, oo hadda shalaayo jooga.

Si kastaaba, dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysa in ay wax ka qaban doonto arrimaha musuq-maasuga ee ka jira dalka.

Soomaaliya waxa ay kaalinta koobaad kaga jirtaa waddamada ugu musuq-maasuqa badan adduunka, Soomaaliya waxa ay hadda lee dahay dowlad rasmi ah.

Caasimada Online

Xafiisaka Wararka Nairobi