Ra’iisul wasaare Saacid oo la hadlay Ciyaartoya K.Koleyga

Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka hadlay doorka ciyaartoydeena ay ka ciyaarayaan ciyaaraha kubada koleyga ee ka socda dalka Tanzania ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay guulihii ugu dambeeyay ee ay soo hoyeen.

Cabdi Shirdoon ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ku dadaali doonto dhiiro gelinta kooxaha ciyaaraha dalka Soomaaliya,wuxuuna farxada uu la wadaagay kooxda kubbada koleyga ee ka badiyay xulalka Kenya iyo Burundi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa qadka telefoonka kula hadlay ciyaartoyda Soomaaliyeed iyaga oo ku sugan magaalada Daarasalaam ee caasimada Tanzania,wuxuuna ugu hambalyeeyay guulihii ugu dambeeyay ee ay soo hooyeen.

Ciyaartoyda Soomaaliyeed ayuu sheegay ra’iisul wasaaraha dalka inay usoo dulqaateen daruufo kala duwan oo soo maray,wuxuuna sheegay in dib u dhiska dalka iyo horumarinta ciyaartoydaasi ay isla socon doonaa.

Waa masuulkii ugu horeeyay oo ciyaartoy dibbada ku maqan u hambalyeeyo guulo ay soo hoyeen,waxii ka dambeeyay markii xukuumadaan lasoo dhisay.