Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo isku badalay garoon caalami ah iyo Isbadal horrumar oo ka jira

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah wariyaasha Shabakadda Caasimada Online oo maanta booqday garoonka diyaaradaha Muqdisho Aadan Cabdulle Cismaan ayaa waxa ay soo arkeen mashuul ballaaran oo ka socda garoonka.

Garoonka ayaa wixii ka dambeeyay daba yaaqadii sannadkii hore, markaas oo inta badan magaalada Muqidsho ay noqotay mid ammaan ah, waxaa ku soo badanayay diyaaradaha immaanaya, kuwaasoo qaar kood ka yimaada waddamada Yurub.

Garoonka Muqdisho ayaa maalintii waxa soo caga dhigta ugu yaraan 45-diyaaradood oo qaar kood ka yimaada waddamada Yurub .

Diyaaradahan ayaa badankood waxa ay sidaan rakaab doonaya in ay dalka dib ugu soo laabtaan iyo kuwa soo qiimeenaya isbadalka ka dhashay magaalada Muqdisho.

Mashquulka GaroonkaAfhayeenka Ciidanka AMISOM Col : Cali Aadan Xumad ayaa dhawaan sheegay in garoonka maalintii ay soo cagadhigtaan illaa afartan diyaarad oo badankood ah kuwa raab wada.

Inta badan waxa dadka ka keenta Yurub diyaaradaha Turkish Airline oo ah diyaarad laga lee yahay dalka Turkiga.

Diyaaradan waa diyaarada kaliye ee duulimaad caalami ah ka sameesa Soomaaliya tan iyo markii sannado badan uu dagaal ka socday Muqdisho.

Diyaaradan ayaa toddobaadkii waxa ay magaalada Muqdisho timaadaa labo jeer, waxana dadka raaca iyo kuwa ay keento aad u badan kuwa ay sido.

Sidoo kale waxa jira dhowr diyaaradood oo iyana ka yimaada Africa, iyo waddamada Asia , waxana ay keenaan magaalada Muqdisho rakaab aad u badan.

Dadka ugu badan ee magaalada Muqdisho yimaada waa kuwa ka soo cararay waddanka Kenya oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.

Kenya ayaa dhawaan ku amartay Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka in ay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga, kuwaasoo ay buux dhaafeen isla markaana go’doon ah.

Dadka ku soo qulqulaya magaalada 

Magaalada Muqdisho waxa soo buux dhaafiyay qurba joog fara badan kuwaasoo doonaya in ay dalka maalgashi ku sameestaan.

Waxa qaali noqday qiimaha lagu kireesto guryaha, waxana magaalada ka billowday dib u dhis ballaaran.

Qaar badan oo dadkaas waxa ay magaalada ka sameeyeen xarumo ganacsi iyo hotello waaweyn oo aan horrey aan loo dhisin.

 Gawaari ku soo badanaya magaalada 

Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku soo badanaya gaadidka noocyadooda kala gadisan,kuwaasoo loo aaneenaayo ammaanka magaalada waayahan dambe ku soo kordhay.

Isbadalkaas iyo baabuurta badan waxa ay keeneen in magaalada la ciirciirto baabuur iyo dad ka yimid qurbaha, waxana soo kordhay shilalka gaadidka.

Inta badan baabuurta dad waynaha iyo kuwa sida gaarka loo lee yahay ayaa isticmaal waddada kaliye ee magaalada ugu mashquulka badan ee Makah Al-Mukaramah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho