Ciidamada DANAB oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyeen gobolkaasi.

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamada huwanta ay ku beesgadeen deegaan ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ceel Cali Godle oo dhanka waqooyi ka xiga deegaanka caanka ah ee Ceel Cali ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiil u hadashay ciidanka Danab ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen saldhigyo ay kooxda ku lahayd halkaasi, kuwaas oo kasoo abaabuli jirtay weeraro qorsheysan.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha Danab intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan howlgallada, isla-markaana ujeedka uu yahay inay Shabaab ka xoreeyaan halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab iyo kuwa Macawiisleyda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah gobollada lagu jabiyay Al-Shabaab, isla-markaana inta badan laga saaray deegaanada gobolkaasi oo ay ku lahaayeen saldhigyo waa weyn.

Bariga Hiiraan ayaa sidoo kale kamid ah meelaha laga xoreeyay kooxda, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Soomaaliya ayaa ku jirto marxalad dagaal, waxaana la filayaa in haatan in wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka billowdo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.