WARAABE: Farmaajo wuu saxsanaa markii uu isku dayay inuu dilo CC Shakuur

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo qoraal soo saaray ayaa u jawaabay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shalay si weyn Somaliland ugu dhaliilay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Somaliland ku eedeeyay inay gabood-fal ka gaysatay magaalada Laascaanood, waxaana uu tilmaamay in shacabka aan lagu qasbi karin wax aysan rabin, sida uu hadalka u dhigay.

“Somaliland waxaa ku dhacay gaboodfal magac dawladeed loogu geestay, ka dibna gooni isku taag ayey xal u arkeen. Sidoo kale ayaa reer Laascaano gaboodfal u geystay maamulka Somaliland, waxayna doonayaan midnimo Soomaaliyeed. Haddii aan midnimo Soomaaliya lagu qasbi karin Somaliland, sidee Laascaano midnimo Somaliland loogu qasbayaa?” ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Laancaano kuma eka ee beelihii kale way cabanayaan, muddo xileedka Biixina waa dhamaaday, isfaham la’aan ayaa isaga iyo mucaaradka ka dhex taagan, ismadii xalka keeni jirayna maleh”.

Dhankiisa Faysal Cali Waraabe oo u jawaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay inuu yahay nacas weyn, sida uu ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ku saxnaa markii uu isku dayay inuu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horay loogu weeraray gurigiisa.

“Farmaajo wuu saxsanaa markii uu isku dayay in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waa nacas wayn” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ah nin aad u naqdiya siyaasiyiinta kasoo jeedo koonfurta ayaa marar badan weeraro afka ah ku qaaday dowladda federaalka iyo reer Muqdisho.

Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysaa xaalado adag oo isbiirsaday sida daagaalka ka socda magaalada Laascaanood iyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay doorashooyinka oo ay weli isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda maamulkaasi.