Maandooriyihii ugu badnaa oo lagu qabtay Wadajir iyo Dharkenley + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta iyo xalay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay degmada Wadajir ayaa waxaa lagu soo qabtay maan-dooroye fara badan oo xashiish ah iyo nin ganacsanayay, kaas oo lagu xiray saldhigga degmadaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafqsan, maadaama la mamnuucay maan-dooriyaha.

“29/04/2023 Abaara 11:00 pm, Ciidanka Boliiska Qeyta Galbeed iyo ciidanka Boliis Militare oo howlgal wadajir ah waday, ayaa soo qabtay,maandooriye tira badan oo xashiish ah iyo Eedeysane lagu magacaabo C/qaadir C/llaahi Axmed waxaana gacanta ku haya saldhiga booliiska Wadajir, waxaana la horgeynd oonaa Cadaalada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale ciidamada Booliska gobolka Banaadir oo kaashanayaa kuwa Boolis Militare ayaa howlgal kan lamid ah sameeyay degmada Dharkenley, waxaana lagu soo qabtay maan-dooriye iyo nin kale oo eedeysane ah oo la sheegay inuu ka ganacsanayay, kaas oo uu isna taliska boolisku sheegay in la horgeyn doono maxkamadd, si looga qaado tallaabo adag.

“29/04/2023 Abaara 22:30 pm, Ciidanka Boliiska Qeyta Galbeed gaar ahaan saldhiga ciidanka booliiska dharkeynley oo howlgal waday, ayaa soo qabtay,maandooriye tira badan sida xashiish iyo calaq. Eedeysanaha waxaa gacanta ku haya saldhiga booliiska Dharkeynley, waxaana la horgeyn doonaa cadaaladda” ayuu mar kale yiri Booliska.

Ugu dambeyn wuxuu talisku farriin guud u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan la dagaalanka maan-dooriyaha oo haatan si dardar leh uga socdo gudaha caasimada, gaar ahaan degmooyinka gobolka Banaadir.

“Muwaadin hadii aad aragto arimo lid ku ah Amniga caasimada waxaa naga soo waci kartaan numberka gaaban ee 991” aya lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagula dagaalamayo maanka-dooriyaha, ciyaal weerada iyo burcadda.