Daawo: Fartaag oo dhaq-dhaqaaq ciidan ka bilaabay GEDO

Baardheere (Caasimada Online) – Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xubnaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale dib ugu laabtay gobolka Gedo, halkaas oo uu haatan ka bilaabay dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoogleh.

Fartaag oo siyaasad ahaan si weyn uga soo horjeedo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab uga dhawaaqay degmada Baardheere.

Senatorka ayaa marka hore booqday xero lagu tababarayo ciidamo deegaanka ah oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo ka bilaabanaya gobolkaasi.

“Waa soo noqday waxaa usoo noqday waxaa weeyaan inaan idin ogaado waxaad qabtaan waxaad cuneysaan, waxaad cabeysaan iyo tababarkiina” ayuu yiri Senator Fartaag.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamadan ay ka qayb qaadan doonaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inuu ka billowdo deegaanada maamulka Jubbaland.

“Waxa la’idin diyaariyay waxaa weeyaan ka qayb qaadasha wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Khawaarij maanta waa dhammaatay ayaan u maleynaa”. ayuu raaciyay.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo qayb ka ahaa qorshaha lagu aas aasay ciidankan ayaa ujeedkooda ku sheegay inay ka dhabeynayaan amarkii madaxweynaha Xasan ee ahaa la dagaalanka Shabaab, isla-markaana ay xoreynayaan gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa horay uga hortimid dhaq-dhaqaaqyada ay Senator Fartaag iyo wasiir Janan ka wadaan Gedo, gaar ahaan in ciidamo Macawiisley ah lagu dhiso gobolkaasi.

Arrimahaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay mar kale soo rogaal celisay xiisadda Gedo, kadib markii ay gobolkaasi dib ugu laabteen Senator Fartaaq iyo Janan oo haatan abuul siyaasadeed iyo mid ciidan ka wada halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta gobolka Gedo oo sii jiitameysay, kahor iyo kadib-ba doorashadii soo dhammaatay ee 2022.