Sawirro: Axmed Madoobe oo saddex arrin kala hadlay madaxweyne Cagjar

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan dalka Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay dhiggiisa is-maamulka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar.

Kulanka ayaa yimid, kadib markii uu madaxweyne Mustafe Cagjar casho sharaf ku maamusay Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo in dhowaanahan ku sugnaa caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay uga wada-hadleen saddex arrimood oo kala ah iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay baahisay madaxtooyada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

“Casho Sharafta kadib masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan” warka qoraalka ah ee kasoo baxay dhanka maamul goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa horay ula kulmay guddoomiye ku-xigeenka xisbiga tallada haya ee Barwaaqo Aadan Faarax iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shidde.

Dhammaan waxaa kulamadaas looga hadlay soo celinta xiriirkii wanaagsanaa ee Itoobiya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo sida la rumeysan yahay meesha ka baxay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka dalkaasi, kaasi oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada Itoobiya iyo howl-galada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, socdaalka Axmed Madoobe ee dalka Itoobiya iyo kulamada uu ka wado Addis Aabab ayaa waxaa qorshaheeda lahaa dowladda Imaaraadka Carabta, oo iyadu ka shaqeysay isu soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya ee xilligaan.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd soo celinta xiriirka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxda dalka Itoobiya, xiriirkaas oo xumaaday sanadkii 2019-kii, xiligaas oo Abiy Axmed uu Axmed Madoobe kala saftay Farmaajo oo ay siyaasadda isku hayeen.