DF oo Soomaalidii ugu badneyd ee SUDAN kasoo dejisay laba magaalo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay Soomaalidii ugu badneyd ee laga soo daad-gureeyay dalka Sudan, oo uu ka qarxay dagaal galay toddobaadkii saddexaad.

Muwaadiniinta maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa tiradooda gaareysa 123 muwaadin, kuwaasi oo ku xanibnaa dalka Sudan, una badan Arday halkaasi wax ka baraneysay, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muwaadiniintan ayaa 78 kamid ah waxaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho oo la keenay, halka 45 laga dajiyay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.

Dowladda ayaa waxay muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia kasoo qaaday magaalada Addis Ababa, waxaana garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Waxbarashada.

Halka Garoowe ay 45 muwaadin ee kale ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland.

Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan, waxayna horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Sudan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.