Xogta kulan dhex-maray ergey Guuleed iyo safiirka Midowga Yurub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulankaan ayaa waxay uga wada-hadleen labada mas’uul sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo wada-hadallada uu hormuudka ka yahay ergey Guuleed dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland ayaa ugu horeyntii waxa uu safiirka uga warbixiyay sida ay nooga go’an tahay dib u bilaabidda iyo dardar-galinta wada-hadallada Somaliland, isaga oo la wadaagay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo arrimaha Somaliland.

Dhankeeda Tiina Intelmann ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in dowladda federaalka Soomaaliya uga caawiyaan dadaalada lagu xoojinayo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Tiina ayaa sidoo kale waxay u ballan-qaaday ergayga gaarka ah ee madaxweynaha inay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta wada-hadallada Somaliland, oo la filayo inay dib u billowdaan sanado badan oo hakad ku jireen kadib.

Kulankaan uu ergay Guuleed uu la yeeshay safiirka Midowga Yurub Tiina Intelmann ayaa qeyb ka ah kulamo uu maalmihii u dambeeyay uu la yeelanayay wakiiladda beesha caalamka, kuwaasi oo ku qotomay dardar-gelinta arrimaha wada-hadallada loo xil-saaray.

Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii bishaan u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland.