Ciidamada Danab oo nolosha kusoo qabtay saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa dadka deegaanka ay maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyeen koonfurta gobolkaasi.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa inta u dhexeysa deegaannada Xinlabi iyo Baraag-Ciise ee Mudug.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in nolosha lagu soo qabtay illaa 5 xubnood oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka maaliyadda iyo tababarada.

Xubnaha lasoo qabtay ayaa la socday gaari nooca raaxada ah oo marayay halkaasi, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Gaari Laylo Calaawi ah iyo shan xubnood iyo raashin 50 kiish ah ayaa gacanta lagu dhigay,” ayaa lagu war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Lama shaacin magacyada saraakiisha lagu soo qabtay howlgallka sidoo kalena lama baahin sawirradooda, balse dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maxkamad lasoo taagayo

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo kooxda Al-Shabaab oo ku aadan xubnaha looga qabtay koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana gobolkan si weyn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Si kastaba, howlgallada ka socda Galmudug ayaa waxaa lagu jabiyay Al-Shabaab, ayada oo looga dilay xubno tiro badan, sidoo kalena looga qabsaday magaalooyin muhiim ah.