Shan arrin oo muhiim ah oo ku jiray khudbadii XASAN SHEEKH ee Addis Ababa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan leh ka jeediyay meertada 36-aad ee shirka madaxda qaarada Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa.

Xasan oo ah madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee laba jeer xafiiska loo doorto ayaa khudbadiisa ku bilaabay sida ay arrintaas isaga fursad ugu tahay iyo dhinaca kale sida ay sharaf u tahay in dalkaaga laba jeer madaxweyne ahaan ugu adeegtid adiga oo doorasho ku yimid.

Warbixintan waxaa kusoo koobeyna shantii dhinac ee ugu muhiimsana khudbadii madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay magaalada Addis Ababa, kuwaasi oo kala ah;

1. Rejadiisa: Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu madaxda Afrika u sheegay in dalkiisa uu dhib badan soo maray, balse dadkiisu yihiin kuwa adkeysi badan, hal-abuur leh oo deeqsinimo ku caan ah.

Wuxuu sheegay in subax walba uu lasoo tooso rejo fiican oo ah in dalka uu ka bixi doono marxalada adag, uuna taas ku shaqeeyo.

2. Dagaalka Al-Shabaab: Xasan Sheekh wuxuu madaxda Afrika u sheegay in dagaalka argagixisada uu yahay bartilmaameedkiisa koowaad.

Natiijada iyo horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayuu waxyar ka taabtay, isaga oo dhinaca kale sheegay in dowladiisa ay sii xoojin doonto dagaalka iyo hadafka ah in kooxaha argagixisada laga cirib-tiro Soomaaliya, Afrika iyo guud ahaan caalamka.

3. Siyaasad loo dhan yahay: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku dheeraaday ahmiyada siyaasad loo dhan yahay inkasta uusan wax gaar ah carabaabin, haddana waxa uu sheegay in siyaasada loo dhan yahay ay wadato fursad dhaqaale iyo kalsooni bulsho, uuna arrintaas xoogga saari doono ayna kamid tahay qorshooyinkiisa u muhiimsan.

4. Daadajinta adeega dadweynaha: Iyada oo meel xasaasi ah marayo dagaalka Al-Shabaab, dhul badan kooxda laga saaray dowladduna aanay deegaanadaasi weli wax adeeg ah ka qaban ayuu madaxweynuhu madaxda Afrika ee ku shirsan Addis Ababa u sheegay inuu maamulkiisa ku howlan yahay gaadhsiinta dadweynaha ee adeega dadweynaha.

5. Afrika iyo midnimada: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu madaxda Afrika xasuusiyay in loo baahan yahay iskaashi iyo wada-shaqeyn Afrika oo dhan. Dunida waxa uu sheegay in aanay maanta jirin qolo si gaar ah u guuleysan karta, wuxuu ku baaqay guul la isla baadi-goobo oo qaarada Afrika oo dhan ah.