KENYA oo Soomaaliya ka raadineysa nin loo haysto in…

Nairobi (Caasimada Online) – Booliska Kenya, gaar ahaan Ismaamulka Mandheera ayaa sheegay in uu gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan dil loo geystay Haashim Cukaash Maxamed oo ah ganacsade lagu dilay bartamaha magaaladaas.

Ninka dilkan loo xiray ayaa lagu magacaaba Xaajiyow Macalin Nuur, sida uu sheegtay waaxda dambi baarista ee DCI-da.

Hay’adda DCI ayaa sidoo kale waxay sheegtay in weli la baadigoobayo eedeysane kale oo lagu magacaabo Axmed Macalin Cabdinuur, kaasi oo lala xiriirinayo isla dilkaan.

“Waxa aan xirnay hal eedeysane oo ah Xaajiyow Maalin Nuur, waxaa lagu raad-joogaa oo la raadinayaa Axmed Maalin Cabdinuur oo rejadu tahay in gacanta lagu soo dhigo,” ayuu yiri madaxa hay’adda baarista dambiyada ee DCI-da, Gitari Muchira.

Madaxa DCI-da Mander oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku raad-joogaan Cabdinuur iyo dad kale. Cabdinuur ayaa la tuhunsan yahay inuu Soomaaliya usoo gudbay fiidnimadii 1-dii bishaan kadib geeridii ganacsadaha.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay xiriir la sameynayaan mas’uuliyiinta Soomaaliya, si loo soo qabto ninkan la tuhunsan yahay inuu u gudbay gudaha Soomaalia, si loo soo qabto loona soo gacan geliyo Kenya.

Dilka Haashim oo sida uu sheegay Booliska loo adeegsaday Mindi, waxa kale oo ku dhaawacmay dhacdadaasi Cabdimaalik Cukaash Maxamed oo la dhashay marxuumka, kaasi oo hadda lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

Si kastaba, hay’addaha amaanka Kenya iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir iyo iskaashi wada-shaqeyn, kaasi oo ku qotoma la-dagaalanka falalka argagixisada, dambiyada abaabulan iyo ka hortaga ganacsiga sharci darrada ah ee labada dhinac.