Sheekh Shariif oo war kasoo saaray go’aanka beesha Garxajis

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo bayaan ka soo baxay beesha Garxajis oo ku saabsanaa xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Sheekh Shariif ayaa bogaadiyey go’aannadii kasoo baxay beesha, isagoo aad u amaanay talooyinka lagu soo jeediyey war-murtiyeedkii beesha Garxajis.

“Maanta oo taariikhdu ay tahay 19-ka Feb. 2023 waxaan si buuxda u soo dhawaynayaa war-murtiyeedka ka soo baxay Salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka beesha Garxajis, waxaana bogaadinayaa go’aannada iyo talooyinka ay soo jeediyeen,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Qoraalka Shariifka ayaa intaas ku sii daray, “Go’aanada ka soo baxay beesha Garxajis waxay tusaale cad u yihiin in beelaha walaalaha ahi doonayaan inay nabad kuwada noolaadaan, sidaa awgeed waxaan ku kalsoonahay go’aanada iyo talooyinka ay beeshu soo jeedisay inay fursad siinayso nabadda iyo wada-noolaanshaha dadka walaalaha ah.”

Sheekh Shariif ayaa dhinacyada ay ku dagaalamaya Laascaanood wuxuu ugu baaqay inay maqlaan oo u hoggaansamaan go’aanada ka soo baxay salaadiinta beesha Garxajis, isagoo xusuusiyey fadliga bilaha lagu jiro iyo dhibaatada  colaada.

“Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ay qusayso inay maqlaan baaqa salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka beesha Garxajis, ayna baajiyaan daadashada dhiiga iyadoo lagu jiro bilaha xurmada leh ee diinteenu adkaysay xaaraantinnimada daadinta dhiigga qofka Muslimka ah,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Beesha Garxajis ee Somaliland oo maanta bayaan soo saartay ayaa dagaalka Laascaanood ku eedeysay Muuse Biixi, iyadoo sheegtay in aysan qaadi karin masuuliyadda waxa uu Muuse Biixi ka wado Laascaanood.

“Beesh Garxajis waxa ay go’aansatay in aysan ka qaybgelin, kana mid ahayn ergada uu sheegay Muuse Biixi inuu u dirayo Laascaanood sababta oo ah ma qaadi karno kalsoonida inuu aqbalayo go’aamada ay ergadu gaadho, annaga oo ku xisaabtamayna aanu jirin jawi nabadeed oo lagu wada-hadli karo,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay beesha Garxajis.

Isimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa maanta war cusub kasoo saaray wada-hadalka ay ku baaqday Somaliland iyo ergada Isimida ah ee uu maamulka Muuse Biixi u dirayo.

Garaadada dhaqanka ee Laascaanood ayaa sheegay in aysan u imaan karin ergo ka socota Somaliland, iyagoo soo dhaweeyey go’aanadii maanta kasoo baxay beesha Garxajis ee ku sheegeen inay ka baxeen ergada Muuse Biixi uu sheegay in uu Laascaanood u dirayo.