Daawo: Ciidamada laga soo celiyey dalka Eritrea oo maanta dilal ka gaystay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dhawaan dalka lagu soo celiyey ayaa maanta dad shacab ah dilal ugu geystay magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan hal qof ayey maanta dileen ciidankaas, halka qof kale ay dhaawaceen, waxayna arrintaan magaalada ka abuurtay walaac cusub.

Kolonyo ciidankii dhawaan laga keenay Eritrea oo maanta mareysay isgoyska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho ayaa toogtay wiil arday ahaa oo Jaamacad ka yimid.

Wiilka la dilay ayaa la socday mooto Bajaaj, waxaana dilay askari rasaas ku furanayey wadada, sida ay warbaahinta u sheegeen dadkii ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay.

Mid ka mid ah dadkii goobjooga ahaa ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna yiri, “Xasan Sheekh iyo Shuute inta isku tagaan hasoo saareen sharci xakamey kara raggaan argagaxsan oo wax ay ka cabsanayaan aan la garaneyn oo markii ay laba qof arkaan xabad ku ridaya.”

Haweeney kale ayaa tiri “Wax ciidankaan dadka ka ceshanaya malahan, shan shan ayey mootooyinka u saaran yihiin, dadka waa dhacayaan, waana dilayaan, waxaan nolol maaha, dowladna ma heyno ilaahey hana dhaafiyo tan.”

Hadallada dadkaas shacabka ah ay maanta warbaahinta u marsiiyeen dowladda ayaa muujinayey quus iyo caro xoog leh oo shacabka ay ka qaadeen dilalka bareerka ah ee ciidanka dowladda ay u geysanayaan.

Askari kale oo ka tirsan ciidankii lagu soo tababaray Eritrea ayaa maanta qof kale ku dhaawacay degmada Xamarweyne ee isla Muqdisho, saacado kadib taliska booliska gobolka Banaadir ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegayaan in la soo qabtay askarigii dhaawacay qofka.

Ninka la dhaawacay ayaa darawal ka ahaa gaari xamuul ah, waxaana ku dhacday laba xabadood, sida uu warbaahinta u sheegay aabihiis oo goobta ku sugnaa, ninka dhaawacmay ayaa laga deyrinayey xaaladiisa caafimaad.

Dhowr xarumood ayaa gudaha magaalada Muqdisho laga dejiyey ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea, waxaana magaalada ku soo badaneysa cabshada ay shacabku ka qabaan, iyadoo lagu eedeynayo inay geystaan dilal, dhac iyo handadaado kale oo bulshadu aysan ka mudneyn.

Hoos ka daawo