DF oo tallaabo qaaday kadib iska hor-imaadkii ciidamada dowladda ee Isgoyska Siinaay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qeybta Guud ee Boliiska gobolka Banaadir ayaa war kasoo saaray iska hor-imaad shalay ka dhacay isgoyska Siinaay ee degmada Warta Nabadda, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka uu dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliska oo ku sugnaa kontarool ku yaalla isgoyska Siinaay iyo maleeshiyaad hubeysan oo la socday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Is-rasaaseynta labada dhinac ayaa timid kadib markii ciidanka maleeshiyada ahaa ee sarkaalka la socday ay ka dhago adeegeen in la hubiyo, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

“Waxaa ka dhashay dhaawaca qof Muwaadin ah oo goobta marayay iyo labo askari oo kamid ah askartii hubineysay kontaroolka iyo mid kamid ah askartii sagaalka la socotay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka kadib ciidankii ku sugnaa bar-kontaroolkaas ay gacanta kusoo dhigeen labo nin oo maleeshiyo hubaysan ah, kana mid ahaa kuwii la socday sarkaalka ka tirsanaa ciidanka xoogga iyo laba qori oo BKM ah oo ay wateen.

“Waxaana haatan socda baaritaan la xiriira dhacdadaan iyo baadi goobka dadkii ku lugta lahaay shaqaaqadan ka dhacday isgoyska Siinaay ee Muqdisho.”

Magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhaca isku dhacyo dhexmara ciidanka dowladda oo sababo kala duwan leh, waxaana ka dhasha khasaare soo kala gaara dhexdooda iyo sidoo kale dad shacab ah.