Ciidamada DF iyo ATMIS oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha hoose

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Baroowe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ay tuulada Ambareeso oo u dhow Baraawe ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ee howlgalka qeybta ka ahaa ayaa waxay ka tirsan yihiin Ururka 25-aad ee guutada 6-aad, waxaana tuulada howlgalka laga fuliyey dhawaan ciidamada dowladda lagula eegtay qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay.

Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale oo howlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedkiisa uu ahaa baaritaan lagu sameenayey guryaha ku yaala Tuulada Ambareeso oo 5km duleedka kaga beegan degmada Baraawe si loo xaqiijiyo amniga deegaanka.

“ Ujeedka howlgalkaan wuxuu ahaa ka hortegida weerarada Al-Shabaab Burcadda iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya” ayuu yiri Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada ATMIS oo la hadlay dadka deegaanka ayaa sheegay in  ay halkaasi u tageen badbaadinta dadka, isaga oo ka codsaday inay kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Howlgalkan Ciidamada dowladda iyo howlgalka ATMIS ay ka sameeyeen duleedka degmada Baraawe ayaa daba socday kadib falal amni darro iyo weeraro kusoo kordhay degaannada u dhow drgmada Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood weyn ku helo gobolka Shabeelaha hoose, waxaana lagu tiriyaa inay kamid tahay deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada iyo madaxda ugu badan Al-Shabaab.