Ciidamada dowladda oo si bareer ah Muqdisho ugu dilay wiil iyo gabar walaalo ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dilay wiil iyo gabar walaalo ah kadib markii ay rasaas ku fureen mooto bajaaj ay saarnaayeen.

Dhacdadan oo ka dhacday isgoyska Dabka, ayaa waxaa ku dhintay Allah ha u naxariistee Zakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta ay ciidamada dowladda federaalka u rasaaseeyeen mootada ay saarnaayeen walaalahan, hase yeeshee waxaa marar badan dhacda in ciidanka dowladda ay rasaas macno darro ah iska furaan ama ay isku dayaan inay ku furtaan waddooyinka marka jam uu jiro.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Zakariye iyo Sowdo ay ka yimaadeen dhanka Isbitalka Yardameli una socdeen in ay casho usoo iibiyaan gabar ugu foolaneysay isbitalka Yardameli, oo aan faah-faahin laga bixin.

Hase yeeshee, waxay kusoo dhaceen wadkoodii iyo halkii Allah u qoray inay noloshooda ku dhammaato.

Weli wax faah-faahin ah lagama hayo askarigii furay rasaasta, waxaana markii ugu war dambeysay ay goobjoogeyaal sheegeen in isaga iyo ciidankii la socday ay gaarigii ay wateen uga tageen isgoyska dabka.

Ciidamada dowladda ayaa boqolaal qof oo shacab ah ugu dila Muqdisho sabab la’aan, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii