Ciidamada DF oo faarujiyay deegaano dhowr ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Deegaano hoostaga Gobolkaasi ay isaga baxeen Ciidamada Militeriga Dowlada Somalia.

Ciidamada oo watay inkabadan 8 gaari nooca dagaalka ah ayaa saqbarkii xalay Faarujiyay deegaano ay kamid yihiin Muuri, Cadow Dibile iyo Laanta Buuro, oo saddexduba hoos tagga Degmada Afgooye.

Ciidamada halkaasi faarujiyay ayaa ka tirsanaa guutada Afaraad ee Ciidanka Xooga Dalka, waxa ayna gaareen deegaanka Jazeera, oo ku yaala duleedka Degmada Wadajir ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Guutada Afaraad Axmed Aadan ayaa hogaaminaayay Ciidanka gaaray deegaanka Jazeera, iyagoona xalay ku hoyday deegaankaasi.

Sababta ay uga soo baxeen ayaa lagu sheegay in Ciidamadu aynaan haysan tashiilaad ku filan, xilli Maleeshiyadu ay kordhisay weerarada ay ka wadaan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, wixii ka dambeeyay dhalashada bishan Ramadaan.

Dhanka kale, arrintaani waxa ay daba socotaa, iyadoo Ciidanka Militariga ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay si weyn uga caroodeen, wax mushaaraad ah oo aynaan ka helin Dowladda Somaliya, muddo lix bilood ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com