XOG: Odowaa oo la rabo in shirka laga wareejiyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ku howlan xal u helida Khilaafyada ka taagan shirka Cadaado, ayaa waxaa hadana soo baxaayo dacwado ay Odawaa ka soo gudbinayaan Ergooyinka qaaar.

Ergooyinka oo dacwado soo gaarsiiyay Xafiisyada Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar, ayaa waxa ay Wasiirka ku eedeynayaan inuu fashiliyay ujeedkii laga lahaa shirka.

Ciise Cabdi oo kamid ah Ergada ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ergadu ay qaati ka taagaantahay Wasiir Odawaa waxa uuna sheegay in Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid ay ka dalbadeen in shirka laga wareejiyo Odawaa oo loo dhiibo xubno kale.

Waxa uu sheegay in Ergada aysan ku qanacsaneyn shaqooyinka uu hayo Odawaa, hadii uu Xasan ka dhaga adeegana waxa uu wacad ku maray inay ku biiri doonaan shirka ka socda Dhuusamareeb.

Geesta kale, Odawaa ayaa lagu eedeynayaa inuu sabab u yahay go’aanka ay qaaten Ergada isaga baxday shirka Cadaado ee ku biiray kan dhuusamareeb, waxa uuna halis ugu jiraa in laga wareejiyo xilka, bacdamaa ay sii kordheyso tirada ku biireyso shirkaa dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com