Kenya oo afduubatay wadaad Soomaali caan ah!!

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka Magaalada Gaarisa ayaa qafaashay wadaad can ka ahaa Magaalada Gaarisa oo magaciisa lagu sheegay Cumar Salaad.

Sheekh Cumar ayaa la sheegayaa inuu macalin ka ahaa masjidu taqwa ee Magaalada Gaarisa, waxaana masjidka kala baxay ciidamada amaanka oo ku ritay gaari yar oo nooca raaxada ah.

Ciidamada ayaa Cumar Salaad dhowr jeer la sameeyay xiriir waxa ayna ku eedeynaayen inuu Carruurta ku tarbiyeeyo ka qeybqaadashada waxa loogu yeero jihaadka, iyagoona sidoo kale ku dhaliilay in dhowr dhalinyaro oo dugsigaasi dhiganaayay ka qeybqaatay weeraro ka dhacay Gaarisa.

Ehelada Sheekha oo u waramaayay warbaahinta ayaa sheegay in macalinka uu ku jiro gacanta Dowlada Kenya balse ay ka dalbanayaan in lasii daayo ama Maxkamada lasoo taago.

Ma aha markii koobaad ee culimo laga afdtuubto magaalada Gaarisa,waana arin kusoo laab laabatay gobolka waqooyi Bari Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com