PUNTLAND: Madaxweyne Xasan wax ha la tuso..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan, ayaa aad u dhaliilay qaabka ay DF Somalia ku hirgalineyso Dastuurka dalka.

Waxa uu Wasiirku sheegay in Xassan Sheekh uu u baahan yahay in waxbadan laga tuso dhanka wanaagsan, si uu yiri meesha looga saaro baalmarka sharciyada dalka.

Mar uu ka hadlaayay Nidaamka Federaaliisimka ayuu sheegay in DF Somalia ay dhan waliba ka baalmartay, waxa uuna cadeeyay in dhismaha Maamul goboleedyada uusan sal iyo baar ku laheyn sharciga ama qaadashada Federaaliisimka.

Waxa uu sidoo kale, Wasiirku sheegay in ka maamul ahaan aysan marnaba taageeri doonin guulaha kasoo bixi doona shirka gabagabada maraayo ee loo dhisaayo Gobolada Dhexe.

Dhanka kale, waxa uu ku goodiyay inay ka hor imaan doonan cid kasta oo soo dhawaysa maamulka Cadaado laga dhisayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com