DHAGEYSO: SHIRKII AHLU-SUNNA OO FURMAY

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Mid ka mid ah Saraakiisha Ururka Ahlu suna oo ka hadlay madasha furitaanka shirka ayaa sheegay in micnaha shirka Dhuusa-mareeb uu yahay sidii maamul mideysan ku heli lahaa Shacabka Gobolada dhexe degan,kaasi oo ku yimid rabitaankooda sida uu hadalka u dhigay.

Shirkaan ayaa sida muuqata wuxuu ka horjeeda shirka kale ee ka socda magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.kaasi oo maamul loogu sameynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horboodeysa shirka Cadaado kaasi oo intiisa badan hada gabo gabo maraya.

Dhawaan ayaa si rasmi ah loo shaaciyay xubnaha Baarlamaanka maamulkaasi,islamarkaana la dhaariyay.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday Ahlu suna inay ku soo biiraan gogosha ka fidsan magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
Caasimada@live.com