QARAX culus oo maanta lagu dilay sarkaal sare

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax miino uu ku dhintay taliyaha ururka koowaad ee ciidamada maamulka Jubba kadib markii qarax uu haleelay gaari uu la socday .

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso magaalada Kismaayo iyo deegaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 30 Km u jira magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada Hoose.

Taliyaha ayaa waxaa la sheegay inuu ka baxay magaalada Kismaayo uuna kusii jeeday deegaanka Buulo Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana qaraxa uu haleelay gaariga uu la socday.

Xubnaha maamulka Jubba ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan qasaaraha kale ee ka dhashay qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska kismaayo
Caasimada@live.com