Ximan & Xeeb oo ku biirtay shirka Dhusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Ximan & Xeeb, Maxamed Xaaji Xuseen iyo wefdi uu horkacaayay, ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Dhuusamareeb waxaa Khamiistii si rasmi ah kaga furmay shir ay Ahlu Sunna sheegtay inay Maamul Goboleed ugu soo samaynayso Gobolada Dhexe, waxaana soo badanaaya dhinacyada ka qaybgalaysa.

Wefdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Ximan & Xeeb, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona loo galbiyay halka loogu talla galay in martida la dejiyo.

Wasiirka oo Saxaafadda la hadlay, ayaa iclaamiyay Maamulka Ximan & Xeeb inuu qayb ka yahay shirka ka furmay Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana uu ayidaayo in Maamul loo dhan yahay loo sameeyo Gobolada Dhexe.

“Maamulka Ximan & Xeeb waa jooggaa shirka ka furmay Dhuusamareeb, waxaan soo dhaweyneynaa inay dadka deegaanka isugu yimaadaan shir loo dhan yahay.” Ayuu yiri Wasiirka.

“Dadka deegaanka waxaan lee nahay inta ka dhiman shirka Dhuusamareeb ha timaado, maxaa yeelay waxaa lagu dhisayaa Maamul aan ku jirin hal dheeri ama gacan bidixeen.” Ayuu yiri Wasiirka.

“Shirkii Cadaado wuxuu noqday mid aan ku socon wadada toosan, sidaasi daraadeed go’aankeena wuxuu yahay in aanu ka soo qaybgalno shirka Dhuusamareeb, ee gogoshiisu dhigtay Ahlu Sunna.” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Xaaji Xuseen.

Dhanka kale Nabadoon C/laahi Geedi Shadoor oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolada Dhexe iyo xubno kale, oo uu hor boodaayay, ayaa sidoo kale gaaray Magaaalada Dhuusamareeb, si ay kaga qaybgalaan shirka ka furmay.

Ahlu Sunna, ayaa soo dhaweynaysa ergada kala duwan ee ku qul qulaysa Dhuusamareeb, waxayna Ahlu Sunna sheegtay inay Maamul u soo dhisayso Gobolada Mudug, Galgaduud iyo qayb ka mid ah Hiiraan.

Caasimadaa Online
Xafiiska Muqdisho
Caassimada@live.com