Xog: Ceynte oo EU-da ka dhaadhicinaya qorshe haddii lagu guuleysto ay DF Somalia ku heleyso..

Muqdisho (Casimada Online) – Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa doonaysa inay maamusho deeqaha ay ka hesho Midowga Yurub kuwaas oo Ha’yaddo ay maamulaan go’aana aysan ku lahayn halka lagu bixinayo iyo sida loo bixinayo.

Wasiirka Qorsheynta xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ceynte ayaa sheegay inay qorshaynayaan in dowladdu ay maamusha lacagaha Midowga Yurub ay ka hesho oo loo gacan galiyo Ha’yaddo kuwaas oo dowladdu aysan go’aan ku lahayn.

Wasiir Ceynte ayaa xusay in dadaal ay dowladdu ugu jirto sidii Midowga Yurub uga dhaadhicin lahaayeen in iyagu maamulaan deeqaha ay ka helaan Midowga Yurub.

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa lacago faro badan ka hesha Midowga Yurub waxaana maamula lacagahaa Ha’yaddo mana jidho wax laga ogaysiiyo Dowladda siday ku baxaan lacagahaasi.

Haddii Ceynte uu ku guuleysto in arrintan uu ogoleysiiyo Midowga Yurub, waxa ay dowladda usoo gacan gelin doontaa lacag farabadan, maadaama hadda la rumeysan yahay in magaca Somalia lagu cuno lacag aysan Soomaalida arag.

Caasimadaa Online
Xafiiska Muqdisho
Caassimada@live.com