Beelihii ugu cuslaa Hawiye oo raacay Ahlu-Suna

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ergooyinka Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe ee ku sugnaa Degmadda Cadaado ayaa u ruqaansaday magaallo-madaxda Gobalka Galgaaduud ee Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galaan Shirweyne ay Ahlu Sunna Wal-jameeca gogoshiisa dhigtay.

Wafuudda Beelaha Wacaysle, Murusade iyo Cayr ayaa gaaray magaalladda Dhuusa-mareeb, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Ahlu-sunna Wal-jameeca ee gacanta ku haya inta badan Gobalka Galgaduud.

Wafdiga Beesha Wacaysle, waxaa hoggaaminayey Ex-Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor, oo isagu horey u shaaciyey inay Beeshiisa qaadaceen Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe ee haatan ka socda Degmadda Cadaado.

Ergadda Beesha Marayxaan ee ka mid ah Beelaha wada degga Goballadda Dhexe ayaa horey u gaaray Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galaan Shirka looga tashanayo Aayaha dadka ku nool Goballadda Galgaduud iyo Mudug.

Dhinaca kale, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka ee ka soo jeeda Goballadda Dhexe ayaa la sheegay inay gaareen Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galayaan Shirka ka furmay Dhuusa-mareeb.

Ergooyinka haatan ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa ku eedeeyey Dowladda Federalka inay faragelin ka hayaan Shirka Cadaado, isla markaana ay Dowladda taageerayso qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxtinimadda oo ay ka tilmaameen Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed oo ay sheegeen inuu ku fashilmay xilkii uu Dowladda Federalka ka hayey

C/kariim Xuseen Guuleed waxa uu Is-casilaadiisii hore ku tilmaamay iyadoo ay ku adkaatay Hawlihii loo idmay, isla markaan uu Amnigii Muqdisho faraha ka baxay.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka ay Ahlu Sunna Wal-jameeca dhigeen magaalladda Dhuusa-mareeb ayaa u muuqda mid ay inta badan Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe taageersan yahay, waxaana la filayaa in Shirkaasi lagu soo dhiso Maamul Gobaleed ay u dhan yihiin beelahaasi.

Caasimadaa Online
Xafiiska Muqdisho
Caassimada@live.com