Xog: PUNTLAND oo burburinta shirka Cadaado u adeegsaneysa kooxda Ahlu-Sunna (Qaabkee?) !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Xildhibaano ka tirsan Maamulka cusub ee Galmudug, ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu carqaladeynaayo shirka ka socdo Magaalada Cadaado.

Mid kamid ah Xildhibaanada oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in Shirka la filaayo inuu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ay dhaqaale adag ku bixineyso Puntland, waxa uuna sheegaay in ujeedka Puntland uu yahay carqaladeynta shirka Cadaado.

Waxa uu sheegay in Xubno ka tirsan Maamulka Puntland oo gaaray Dhuusamareeb ay kulamo qarsoodi ah la qaaten Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna islamarkaana ay kawada haadleen sidii loo furi lahaa shir ka dhan ah kan ka socda Magaalada Cadaado.

Xildhibaanka waxa uu carabka ku dhuftay in Ahlusunna ay dheef ka weysay Shirkaa Cadaado, waxa uuna cadeeyay in Puntland ay iska hor keeneyso beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolada Dhexe.

DF Somalia ayuu ku dhaliilay inay ka gaabineyso kaalintii kaga aadaneyd hakinta shirka laga furaayo Magaalada Cadaado, waxa uun Madaxweynaha Somalia iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ugu baaqay inay awood u adeegsadaan Ahlusunna, si shirkaasi loo hor istaago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com