Ceeldheer (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada ayaa beegsaday deegaanka Ceel-waarikoow oo dhaca duleedka degmada Ceeldheer halkaas oo qarax miino ay ku diyaariyeen Al-Shabaab.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ay ka feejignaayeen weerarka, isla markaana ay fashilayeen.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in kooxda ay damacsaneyd in qaraxa ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi, balse laga hortegay.
“Cadowga Khawaarijta ah oo miino si dhuumaaleysi ah ugu aasay deegaanka Ceel-waarikoow ee dhaca duleedka degmada Ceeldheer ayaa doonayay inay ku dhibaateeyaan shacabka wadada isticmaala, balse geesiyada is-garabsanayo ee Xoogga Dalka iyo xaq u dirirka ayaa si foojigan uga hortagay dhagarihii Cadowga ee ahaa dhibaateynta shacabka, waxayna ciidamada si feejigan ku soo saareen miino ay cadowga halkaa ku aaseen” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhawaan ayay aheyd markii ay Al-Shabaab qarxiyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Kud-kudaaley ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay u dhinteen illaa 7 qof halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ka dhaca waddooyinka muhiimka ah ee isku xira gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud oo ay weli ku xoogan yihiin Khawaarijta.
Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isku fidineysay deegaanno kamid ah Galmudug iyo HirShabelle, halkaas oo ay weli ka socdaan howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.


