Ciidamada DF oo hub iyo gaadiid ku qabtay Muqdisho

Muqdisho ( Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey degmada Dharkenley, waxayna ciidamadu guriguri u baarayeen xaafadaha degmadaasi.

Taliye ku xigeenka qeybta Galbeed ee Ciidamada Booliiska Bashiir Durqan oo ka mid ah saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen hub, gaadiid iyo dad eedeysanayaal ah.

Bashiir ayaa xusay inay dib ka faah faahin doonaan inta uu la egyahay hubka iyo dadka ay soo qabteen, marka ay soo dhammaadaan baaritaanada ay haatan wadaan saraakiisha laamaha ammaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada ka socda degmooyinka dhaca Galbeedlka, gaar ahaan Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ee gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni darrada ah ee ka dhacaya gudaha caasimada.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada ka socda Muqdisho oo ay ka dhacayeen weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo keentay in dowladda ay xooga saarto doorashooyinka dalka.