Video: Buurmadow iyo Cabdi Xaashi iyo Reer Waqooyiga oo ka baxay doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadoow iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ay hareero joogeen inta badan Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyey inay gebi ahaanba ka baxeen doorashada.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayey ku eedeyen in uu si qaldan u maamulayo doorashadooda, ayada oo aan lagala tashan, islamarkaana uu ku tagri falay awoodiisa oo uu boobayo kuraastooda, sida ay sheegen.

Waxay sheegen in kuraasta uu saaka soo saaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT aysan waxba ka ogeyn, islamarkaana uu iska wataan guddoomiyaha iyo ra’iisul wasaaraha.

“Doorashadu waxay noogu socotay si habsami leh oo waxaa iskula eegi jireyna sida ay beeshu xildhibaanadeeda u soo dooraneyso, maalmahan dambe waxaa dhacday in waxyaabihii aan u gudbinay beel ahaan uu wax is daba-weydaariyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadoow.

“Waxaa u cadeynayna cid walba in aan doorashadii faraha kala baxnay oo uu maamulanayo Ra’iisul Wasaaraha, oo aan laheyn hanaan dowladeed oo sharfan.”

Waxa uu intaas kusii daray in Ra’iisul Wasaaraha ay uga dacwoodeen beeshiisa, hase yeeshe ay cidba ka dhageysan weyday cabashada ay ka qabaan Rooble iyo xafiiskiisa oo ay ku eedeynayaan boobka doorashada Gobolada Waqooyi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa asaguna ku baaqay in la joojiyo jadwalka doorashada reer Waqooyiga ee la soo saaray, islamarkaana ay muhiim tahay in doorashada loo qabto si la isla ogol yahay.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku aadan eedeynta loo jeediyay, waxayna arrintaan imaneysa xilli uu kal hore Rooble ugu eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday inuu fara-gelin qaawan ku hayo doorashada.