Guriceel (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa halkaasi dib isaga dhaqaaqay ciidamadii dowlada Soomaaliya ee ku sugnaa duleedka degmada.
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku sugnaa meel duleedka ka ah degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo marar badan ay kasoo weerareen degmada Guriceel iyadoo degmada uu ka dhacayay dagaal u dhaxeeyay Ahlu sunna iyo dowlada.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ee ka baxay degmada Guriceel la gaarsiiyay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, iyadoo la dajiyay xerada 21 ee degmada Dhuusomareeb.
Waxaa goobta ciidamadaasi ay ka baxeen la geeyay ciidamada dowlada Ethiopia ee AMISOM qeybta ka ah, si ay qeyb kaga noqdaan howlaha nabadeynta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Deegaanka ciidamada dowlada Soomaaliya ay isaga baxeen oo lagu magacaabo Harqaboobe ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamada dowlada Ethiopia.
Waxaa qorshaha ciidamada ay kaga baxeen duleedka degmada Guriceel uu qeyb ka yahay hishiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Guriceel ee u dhaxeeyay Ahlu sunna iyo dowlada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Guriceel
[email protected]

