Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay xubno firfircoon oo ka tirsan Ururka Dam-Jadiid, kooxdaas ayaa uu ku howlan dhismaha Xisbi Siyaasadeed Cusub oo kusoo biira xisbiyada siyaasadda dalka.
Wararka ayaa sheegaya in Ujeedka Xisbigaani cusub loo dhisayo uu yahay in kooxda Damu-Jadiid ay isaga reebaan magaca dhibka ku noqday ee Damu-Jadiid, oo Soomaalida inteeda badan ay naceen.
Xisbigaani cusub oo ay qorsheynayaan ma aysan sheegin magaciisa, balse waxa ay carabka ku dhufteen in xiliyada nagu soo aadan Munaasabada daah furka lagu qaban doono Magaalada Muqdisho iyo goobo kale.
Xisbigaani ayaa waxa uu beddeli doona xisbiga PDP, oo ay Damu-Jadiid horey u dhiseen, balse laga war-helay inuu yahay Damu-Jadiid, sidaa darteedna ay la imanayaan magac cusub.
Waxaa jira warar hoose oo tibaaxaya in Fakirka lagu aasaasayo xisbigan uu lee yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna ujeedku yahay in dhankaasi uu iska soo sharaxo sanadkan 2016.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

