28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

“Dowladu waxa ay kala saari la’ dahay dastuurka & rabitaankeeda” Waxa yiri..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Inkastoo ay fooda nagu soo heyso xiliga doorashada dalka, ayaa waxaa hadana soo ifbaxaayo dhaliilo loo jeedinaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Cabdullahi Maxamed Aadan oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia, ayaa sheegay in Somalia aysan ka dhaqangali doonin Nidaamka doorasho ee la filaayo inuu hirgalo sanada 2016-ka ee fooda nagu soo heyso.

Waxa uu sheegay in DF Somalia aysan ku shaqeyn dastuurka dalka u degan, waxa uuna tilmaamay in waxa iminka lagu shaqeynaayo uu yahay rabitaanka Madaxweyne Xassan Sheekh iyo garabkiisa ku wehliya Siyaasada ka taagan Madaxtooyada Somalia.

‘’Waa wax jira in dalka lagu hago rabitaanka Madaxweynaha waayo waxan aragnaa in laga talaabaayo sharciga dalka u degan ee ku xusan dastuurka, mar hadii Somalia lagu maamulaayo rabitaan shaqsi u maleyn mayo inay dhici doonto doorasho xiligeeda la qabto’’

‘’Siyaasada dalka waa mid u socta qaab digtaateernimo hadii aan wax laga qaban waxaa nagu sii fogaanayo nidaamka lala baalmaraayo sharciga ee kali talisnimo’’

Cabdullahi Maxamed Aadan waxa uu tilmaamay in dhowr jeer ay Madaxweynaha u gudbiyeen in la bilaabo dadaaladii lagu dhaqan galin lahaa doorashada, balse ma dhicin in Madaxweyne Xassan uu jawaab waafi ah ka bixiyo wargalinta.

Dhanka kale waxa uu ka digay in doorashooyinka ay dhici weyso xiligeeda, hadii ay dhacdana in la qabanwaayo ay suuragal tahay in Somalia ay dib ugu laabato Khilaafyadii iyo buuqii hareereyay Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News