32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

CIIDAMADA DFS oo toogasho ku dilay mas’uul ka tirsanaa dowlada, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray degmada Buurdhuubo, ayaa sheegaya in Ciidamada DF ee halkaasi ku sugan ay toogteen Gudoomiye ku-xigeenkii degmada Buurdhuubo Cali Mataan.

Dilka ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay nawaaxiga Buundada degmada, waxaana dilkaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha Buurdhuubo Xasan Maxamed Cali.

Dilka Gudoomiye ku-xigeenka ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii rasaas ay is weydaarsadeen dabley tiradoodu ay gaareyso ilaa Tobaneeyo oo agagaarka Buundada isku weydaarsaday rasaas, taasi oo keentay Gudoomiye ku-xigeenku in ay haleesho.

Sidoo kale, Ciidamadii dilay Mas’uulka ayaa waxaa la soo sheegayaa in gacanta lagu dhigay, iyadoona saraakiisha amaankuna ay sheegayaa ciddi ka dambeysay dilka Gudoomiyaha in sharciga la marin doono.

Dhanka kale, waxaa iminka kacsan Xaalada Amaan ee degmada Buurdhuubo,ka dib markii ehelada Gudoomiye ku xigeenka ay ku adkeysan in aan la aasi doonin marxuumka ilaa laga helo Ciddii dishey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News