Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay weli jiraan dhaliilo ay Xildhibaanada BF Somalia u jeedinayaan Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Sanyare.
Xildhibaan Sanyare ayaa waxa uu ka digay in Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid uu ku adkeysto Xukuumada cusub ee uu soo dhisay, waxa uuna tilmaamay inay ka hor imaan doonaan haddii ay qaadi weyso talaabo wanaagsan.
Waxa uu R/W CC ugu baaqay in arrimo badan oo Horyaala ay wax ka qabato xukuumadiisa oo usan ku mashquulin howlaha Dam-Jadiid.
Xildhibaan Sanyare ayaa sheegay in Xukumada Cusub laga sugayo in ay wax ka qabato arrimo ay kamid yihiin Amniga, Dhaqaalaha, Hiigsiga 2016-ka Doorashooyin ka dhaca Dalka iyo Xoojinta Maamul Goboleedyada jira iyo kuwa dhismaya.
Dhanka kale, waxa uu wacad ku maray inay mar kale hor istaagi doonaan waa haddii ay xukuumada cusub la imaan weyso talaabooyin wax ku ool u ah dalka iyo dadka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

