Ciidamada DF oo weerar ku dilay 9 Al-Shabaab ah

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen xoogaga Shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla tuulada Xaawo Gacal oo hoostegta deegaanka Budbud oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in weerarkan khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla-markaana looga dilay 9 xubnood, kadibna la burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.

“Ciidamada ayaa howlgalkaas qorsheysnaa ku dilay 9 ka tirsan Maleyshiyaadka Khawaarijta waxaana la burburiyay fariisimihii ay deegaankaas kaga sugnaayeen, iyadoo hadda wali la sii baacsanayo” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay baahisay warbaahinta qaranka.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in weli uu socdo howlgalka, isla-markaana ay faahfaahin guud ka bixin doonaan marka uu soo dhammaado.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ee ku sugan Galmudug.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga darermayo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab ayaa weli howlgallo amni xaqiijin ah kasii wada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howlgalll ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay kooxda sii baacsadaan illaa Ceelbuur.