Muuse Biixi oo caalamka u caddeeyay mowqifkiisa dagaalka Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan xasaasi ah oo habka fogaan arag ah la qaatay safiiro, safiir ku-xigeeno Iyo diblumaasiyiin kala duwan oo dalalka Yurub u badan.

Safiirada uu madaxweynaha la qaatay kulankaan ayaa ka kala socday waddamada Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, United Kingdom, United States of America iyo sidoo kale wakiil  ka socday European Union.

Kulanka madaxweyne Muuse Biixi iyo wakiilada beesha caalamka ayaa inta badan waxaa looga hadlay dagaalka ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyada oo madaxweynaha uu wakiilada caalamka u cadeeyay mowqifkiisa ku aadan collaadda ka taagan halkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka warbixiyey tallaabooyin kala duwan oo uu sheegay in xukuumaddiisa ay u qaaday dhinaca nabadda iyo xasilloonida Laascaanood, taasi oo qeyb ka tahay ergo uu maamulkiisa u diray dhinaca ay is-hayaan ee ku sugan Laascaanood, sida uu sheegay.

“Xukuumaddu waxay u dirtay magaalada Laascaanood wafdi wasiirro ah si loo xalliyo arrinta laaascaanood, wada-hadalna ay ula furaan madaxda dhaqanka. Madaxda dhaqankuna way ku gacan saydheen,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa dhankiisa waxa uu xaqiijiyay in xukuumaddiisu diyaar u tahay xal nabadeed oo laga gaaro colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka taagan xarunta gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay oggolaatay si bilaa shuruuda in garaaddadii muddada dheer ka maqnaa Laascaanood inay soo galaan magaalada si ay qayb uga noqdaan nabad ku soo dabaalidda magaalada, hase yeeshe nasiib darro ay magaalada la soo galeen calan dowlad kale, hub iyo ciidan, sida uu sheegay.

“Tallaabadaasi waxay uga sii dartay xaaladii markaa taagnayd ee ay ahayd inay dejiyaan,” ayuu madaxweyne Muuse Biixi u sheegay wakiilada beesha caalamka ee ka qeyb-galay.

Diblumaasiyiintan ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay oggolaatay shirkii ay ku baaqeen waxgaradka Laascaanood, kaasi oo ay markii hore u arkaysay inuu qayb ka noqon-doono dadaallada nabadaynta, balse waxa uu shirkaasi noqday mid lid ku ah Qarannimada Somaliland iyo nabadii ay ku naaloonaysay Laascaanood shan iyo Toban kii sanno ee u danbeeyey, sida uu sheegay.

“Xukuumaddu waxay go’aansatay oo ay ka saartay Magaalada Laascaanood gudaheeda dhammaan ciidamadeedii kala duwanaa, si loo yareeyo khasaaraha. Waxay ku baaqday fulisayna xukuumaddu xabad-joojin bilaa shuruud ah, ka dib markii garaadadu ku baaqeen dagaalka ka dhanka ah Somaliland.”

Somaliland ayaa sidoo kale ka dhawaajisay inay aqbashay dhex-dhexaadintii dowladda Itoobiya, ayna ka ogolaatay ergadii ka socotay dowladdaasi in labada dhinac isugu tagaan Addis Ababa, hase yeeshe ay ka suurto-geli weyday arrintaasi dhinaca garaadada, sida uu madaxweynaha uu sheegay.

Safiirrada, ku-xigeenada iyo diblumaasiyiintu wakiiladda caalamka ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay madaxweyne Muuse Biixi inuu ka ajiibay kulankaan, oo dalabkiisa ay iska lahaayeen.

Si kastaba, Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad, waxaana gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu rabay in xal looga gaaro xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac.