Ciidamada DF Somalia oo xarumaha muhiimka ah ee Dhuusamareeb la wareegay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay dhammaan xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ciidamadan oo saaka aroortii hore laga qaaday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 120 askari, waxaana hoggaminaya sarkaal lagu magacaabo Farxaan Qaroole oo ah taliyaha Booliska sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah ciidamada ayaa la wareegay amniga garoonka Ugaas Nuur, madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb iyo xarunta lagu qabanayo shirweynaha dib u heshiisiinta ee maamulkaasi

Xaaladda magaalada ayaa ah mid kacsan, iyadoona Ahlu-Suna dhankeeda abaabul xoogan ay ka wado halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana horay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu u shaaciyey in dowladdu dhaq dhaqaaq ka dhan ah heshiiskii ay wada galeen ay ka wado magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay dhowaan dhici doonaan shirweynaha dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug iyo doorashada hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com