Saraakiisha iyo ciidamada Ahlu-Sunna ee ku biiray DF oo digniin culus soo saaray

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidankii Ahlu-Sunna ee horey loogu biiriyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda dhexe fulinta heshiisyadii ay la gashay Ahlu-Sunna.

Saraakiishan qaarkood oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in waxa loo baahan yahay tahay in dowladda aanay ballanta ka bixin, haddii ay dhacdana ay cawaaqib ka iman karto.

Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in ay daacad u yihiin ayna u hoggaansamayaan oo kaliya amarada Sheekh Shaakir, oo ah hogaamiyahooda.

Mid ka mid ah Saraakiisha ayaa sheegay in aanay suuragaleyn in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya oo maamulka Ahlu Sunna uga baxeysa heshiiskii ay wadagaleen, sida ay hadalka u dhigeen

Dhanka kale, saraakiishan ayaa sheegay in dowladda ay ka meer-meertay dalacsiintooda, ayna meel iska dhigeen warqaddii dalacsiinta ahayd ee Sheekh Maxamed Shaakir u gudbiyey dowladda federaalka.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com