Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia ayaa goordhow toogasho ku dilay mid kamid ah wadayaasha Moota Bajaajta ka howlgasha magaalada Muqdisho.
Dilka wiilkaani da’da yar ayaa ka dhacay Agagaarka Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyay in muwaadinkaasi xamaalatada ah lagu dhuftay Seddex baalooto oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.
Ciidamada falka foosha xun geystay ayaa wadaha mootada u dilay Lacagta Joogtada ah ee laga qaado Bajaajleeyda.
Dowlada Somalia ayaa inta badan ka hadal dilalka ay geysanayaan Ciidamada kuwaasi oo dilka kadib si xarago leh uga baxsada goobta uu dilka ka dhacay.
Dilalka lagula kaco dadka shacabka ah ayaa kusoo badanaaya magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in ciidamada falka noocaasi ah geysta aan waxba laga qaban.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

