28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Soomaali iyo ajaaniib u dhalatay India lagu la’ yahay nolol iyo geeri

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in dooni ay la socdeen Soomaali iyo ajaaniib ku degtay xeebta Boosaaso.

Doonidaan ayaa shixnad ganacsi u siday ganacsato Soomaaliyeed waxayna kasoo dhaqaaqday dalka Cumaan, iyadoo ku degtay xeebaha Boosaaso.

Doonida oo ay la socdeen ku dhawaad 12 ruux ayaa waxay ku degtay meel 14-Mile u jirta dekada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

10 kamid ah dadka doonida saarnaa ayaa u dhashay dalka India halka labada ruux ee kale ay Soomaali ahaayeen.

Waxaana lasoo badbaadiyay shan ruux oo mid kamid ah Soomaali uu ahaa.

Waxaa la weysan tahay 7 kale oo Soomaali uu ku jiro, waxaana lagu heyn Nolol iyo geeri toona.

Ciidanka Badda Maamulka Puntland ayaa ku guda jira Baadigoobka meydadka dadkii kale ee doonta saarnaa ee biyaha ku geeriyooday.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News