Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay dilkii ugu foolxumada iyo caloolxumada badnaa.
Dilkaasi ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ah oo kabaha ka ganacsan jiray, kaasi oo ku sugnaa degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir.
Wiilka kabaha ka ganacsan jiray ayaa lagu dilay agagaarka xaafada macmacaanka ee degmada Dharkeynlay, waxaana kooxda dilka geysatay isaga baxsatay goobta.
Lama oga sababta dilkiisa ka dambeysay, waxaase magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Sabriye, kaasi oo caan ka ahaa xaafada lagu dilay.
DOwlada Soomaaliya ayaanan wali ka hadal dilka wiilkaasi kabaha ka ganacsan jiray, mana jirto cid loo soo qabtay dilkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

