29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: CC iyo Xasan Sheekh oo isku qabtay xujada la hordhigay musharaxiinta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Shirka Madasha Wada-tashiga Qaranka, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ay isku qabteen dhaqaalaha culus ee lagu diiwaan galinaayo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo lahaa Arragtida dhaqaalaha 30,000 oo Dollar ee lagu diiwaan galinaayo Musharaxiinta ayaa waxaa ka hor imaaday Ra’isul wasaare Cumar oo sheegay in Aragtida Xasan Sheekh ay tahay mid lagu cuuryaaminaayo Musharaxiinta rajada leh.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa muddo laba maalin ah kasoo horjeeday Arragtida Xasan Sheekh, waxaana lasoo warinayaa in muranka ka dhashay Arragtida Xasan ay gaartay heer labada mas’uul ay ku sigteen inay isku gacanqaadan.

Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa u doodaaya Musharaxiin dhowr ah oo aan awoodin dhaqaalaha lagu diiwaan galinaayo Musharaxiinta kuwaasi oo hami ka leh inay hogaamiyaan dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa isna ka didsan Musharaxiinta miisaanka leh ee loo badinaayo inay ku cariiriyaan xilka Madaxtinimo waxaana suuragal in la qafiifiyo dhaqaalaha 30,000 Dollar.

Dhinaca kale, Labada mas’uul ayaa lasoo warinayaa in dood dheer kadib ay isku fahmeen in Musharaxiinta laga qaado min 30,000 oo Dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News