Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar kala duwan oo ku aadan Ololaha Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali ee ka socda qeybo kala duwan oo ka tirsan dalka.
Ololaha ugu xoogan ayaa waxa uu ka socdaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, waxaana iminka soo baxaaya in Ololaha uu gaaray heer Goobaha lagu shaaho laga wado.
Ololaha qeybtiisa ka socda Goobaha lagu shaaho ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa wada dhalinyaro si weyn u taagersan Ra’isul wasaare Cumar oo dadka qaar ku khasbaayo inay taageeran.
Dhalinyarada wada ololaha ayaa waxaa u badan Shaqaale ka tirsan Xafiiska Cumar C/rashiid iyo kuwo iyaga saaxiib la’ah waxaana xusid mudan in dhalinyarada taageersan Ra’isul wasaaraha ay u badan yihiin kuwo isaga ku heeb ah.
Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha dalka ayaa dhaqaale xoogan ku bixinaaya ololihiisa si uu u kastabado taageerida shacabka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

