Ciidamada dowladda oo hal arrin darteed usii joogi karin deegaanada la qabtay

Kismaayo (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa deegaano horleh ka xoreeyay kooxda, ayada oo dhacday in qaarkood ay ciidamada dib u faarujiyaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay tegay deegaano dhowr ah oo laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, ayaa si kale u dhigay arrintaan, isaga oo shaaciyay in ciidamada ay tahay inaysan kusii nagaadin deegaanka ay qabsadaan ee hore uga sii socdaan, si aysan argagixisada ugu soo rogaal celin ee difaaca ka xirtaan dhanka hore.

“Ma u baahna xeradan ama Janaay-Cabdalle in aan sii joogno qorshaha diyaar uma nihin oo kuma tala-galin maalintii u horeysay in aan halkaan difaaca ka galno, waxay aheyd in wadadaas waxyar soo wadno oo jidkaan hore u furno oo Xagar qabano oo wadadaas furno Shabaab wax ka dambeeya ma jiro, waa hubaal taasi,” ayuu yiri.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qaba in deegaanada la qabsaday aysan ciidamada difaac ka gelin ee hore uga sii socdaan, sida dhowr jeer dhacday waxay kooxda Al-Shabaab ay weerar rogaal celin ah ku qaaday deegaano laga xoreeyay, taasi oo dhalisay khasaare badan.

“Ha go’doomin wax la yidhaahdo ayaa jirta, oo ha go’doomin waxay sababeysa qofka in uusan ku eekan oo dhabarkiisa laga xidhin, taas macnaheeda waxa weeyi fadhigu askariga difaac ka culus oo uu gali karo majirto, qofka inuu socdo oo weerar qaado oo roondo sameeyo waa wax uu gali karo, laakiin in aad god ku jirtaa waa wax culus.”

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay inay ciidamada muujiyaan feejignaan dheeri ah, “Aan ku tala-galno idinka ayaa la idinku ogyahay oo ciidan meesha jiifa ayaa tihiin oo shaqo ayaa la idinka sugaya, shaqada la idinka sugayo sidey tahay u qaata.”

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu sii soconayo, illaa inta laga xoreynayo guud ahaan deegaanada ay kooxda kaga sugan tahay maamulka Jubbaland.

“Wey sii socon doonaan howl-galada dib u xoreynta, waxaana la dardar-gelin doona maalmaha soo socda, si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.